Afbakeyle, Dagaal Taariikhiya
Afbakayle, juun 2 1900
Afbakayle oo ay kasoo wareegatay qarni iyo toban sano.
Dagaalkan ka hor, Gumeystihii ingiriiska iyo amxaarada waxaa dhex maray heshiis ah in ay si wada jir ah ugu duulaan geesiyiintii daraawiishta. Sidaa darteed Xabashida oo fulinaya heshiiskan ayaa waxaa soo baxay ciidan dhan 15 kun oo xabashi ah ayna ku jiraan labo khabiir oo ingiriisa, lana filayey inay kulmaan ciidanka ingiriisa, si ay wada jir ugu duulaan sayidka iyo daraawiishtiisa. Balse, ma ay suurto gelin in labadaa ciidan kulmaan, sidaa daraadeed ciidankii xabashidu waa ay iska noqdeen, hase ahaatee wax magaalada berbera kasoo boxy ciidan uu hogaaminayo Gaashaanle Swiin kadibna inta ay taar isku wareejiyeen fariisimo ka dhigtay Afbakeyle, oo aheyd meel Bali ah ilaa 45 maylna kaga beegan dhinaca galbeed magaalada laascaanood, imikana loo yaqaan HARO DHIIG.
Ciidankii xabashida waxaa la amray iney dib usoo laabtaan, ujeedada ama amarka uu gaashaanle Swiin u socdeyna waxy aheyd in uu Sayidka nolol kusoo qabto ama meydkiisa keeno. Istaraatijiyada uu Swiin taarka ugu wareejiyey ciidankiisa waxa ay aheyd in uu ciidankiisa aamusiiyo oo uu gabood uga dhigo meeshaas, isagoo filayey marka daraawiish xabadu ka dhamaato ay ciidankiisu ku hoobiyaan xabbada. Balse daraawiish ma ayna yeelin siduu filayey Swiin, ee markii ay arkeen siliga ku xeendaaban goobta ayey la bexeen afleydii ay wateen una dhaqaaqeen iney fantaan xeyndaabka silaga ah, iyagoo waliba ku dhawaaqaya ereyga ALLAAHU AKBAR ama illaah baa weyn si ay u gaadhaan ciidamadii codowga. Markii ay Swiin iyo ciidamadiisii arkeen geesinimada daraawiishta iyo fanankooda ay soo fananayaan siliga ayey argagaxeen, waxaana halkaa ka bilowday dagaal khadhaadh kaas oo sida uu sayidku qoray daraawiish ay kaga shehiideen 70 kaga dhaawacmeena 20, halkaa ciidamadii ingiriiska laga dilay 70 lagana dhaawacay 8.
Inkastoo khasaaraha labada dhinac ee dagaalamayey uu isle’eg yahay, haddana guushii waxay raacday geesiyiintii daraawiishta sababtoo ah iyaga ayaa la wareegay oo hantiyey una soo hadhay goobtii Afbakayle ee uu dagaalku ka dhacay.













haaa
abdirahman