Skip to content

Bare

Fadlan u faaiidee walaalaahaga soomaaliyeed waxaad dheertahay!

8 Comments leave one →
  1. Samatar permalink
    August 21, 2008 11:14 pm

    waxaan jecelahay walaal barisamaad inaan kaala qeybqaato howshan aad ku jirto ee ah u faaideynta waalaalaha soomaaliyeed. waxaan filayaa in aan wax saa u siiweyn ku dhaamin laakiin waxaan jecelahay walaalahayga soomaaliyeed inaan la wadaago aqoonteyda sayniseed ama xisaabeedba gaar ahaan maadooyinka kimistariga, fiisigiska, bayolojiga iyo xisaabta khaas ahaan Alegebrada iyo Calculusta.

  2. barisamaad permalink
    August 21, 2008 11:54 pm

    aad iyo aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay Mr Xisabyahay casharka aad soo galisay page gooni ah ayaana u sameeyey casharkii aad soo galisey hana ka caajisin dadaalka aad wado!!!

    barisamaad

  3. September 17, 2008 3:19 am

    ASWW,

    Akhyaarta saabkan maamulka ka ah salaan ayaan idinku dhejiyey.

    ***

    Nuur baa ka baxay saabkanoo, waa lagu nastaye
    Niyadayda tii ku aloosan baa, halkan ku negaade
    Nacab iyo ma joogaan kuwii, wax namlaynjiraye*:

    Kuwaa nacaybkiyo abuura, nabaraan bogsoobin
    Ama kuwaa naruurada murtida, naxliga ka qaada
    Ama kuwaa nuqulka ruux kale lahaa, isku nanabaaya
    Ama kuwaa na naaqusinayee, naylna aan hogaamin
    Nimankii ila dhaleeceen lahaa, haatan noqoteene
    Oo nashaadkiina horaadka ah baa, sida nacameeye
    Alleylehe nasashadu ii furan, dhaaxan nugulaaye

    ***

    Saaxiibayaal, sidaan idiinku afarreeyayba, waxaan idinka sugayaa casharro xiisa leh oo ka madax banaan dhammaan siyaabahaa aan soo xusay.

    Maadaama oon bilo ka nasanayo buuxinta mareegtayda: jidhidhico.wordpress.com (HIGIL), ayaan sidaa wax idiinku bidhaamiyay.

    Nabad baan idiin dhaafay,
    Jidhidhico.
    - – – – – – – – – – – – – – – – – -
    * waa kalmad afcarabi ah oo ah “namlah” ama “qudhaan” af-Soomaali ahaan, waxaanan badanaa u isticmaalaa “namiimiyanimada.”

  4. xisaabyahan permalink
    September 17, 2008 4:17 am

    thanks brother jidhidhico afareyda aad soo tirisay. koley aniga tix ma tiriyo, laakiin waxaan rajeeynayaa maalin inaan sidaa oo kale afarey u tiriyo webkaagana waan arkay waxa suugaan ka buuxa eed ku keydisay dadaal weyn ayaadna kaga jirtaa ururinta suugaanteena baylahda ah ee qarankeedii dumay waxaana filayaa casrigan aynu joogno inaan ka midtahay dadka farakutiriska ah ee xil iska saaray ururinta suugaanteena hanbalyo ayaan ku leeyahay sxb dadaalkaagana halkaa kawad.

    fiiro gaara:-

    fadlan nagu baraaruji hadii aan ku xad gudubno xaqa copyrightka ama qof nuqulkii ha ahaato mid yar sida nud ama weedh ama, hadal buuxaba. waxaan isku dayi doonaa inaan ka fogaano been abuurkaa ah inaan sheegano hadal qofkale leeyahay anagoon u qireen qofka leh. waana cudur saameeyey soomaalida inta wax qorta sida qurunka qabiilku inoo sameeyey. waxaana kula talinayaa umada soomaaliyeey inay iska ilaaliyaan xatooyada copyrightka.

  5. muxammed Cabdulkarim permalink
    November 5, 2009 4:48 pm

    waxaan jecelahay walaal barisamaad inaan kaala qeybqaato howshan aad ku jirto ee ah u faaideynta waalaalaha soomaaliyeed. waxaan filayaa in aan wax saa u siiweyn ku dhaamin laakiin waxaan jecelahay walaalahayga soomaaliyeed inaan la wadaago aqoonteyda sayniseed ama xisaabeedba gaar ahaan maadooyinka computertarka oo aan shahado jamacad aan ka heesto.

    waxaan aad u xiisaynaya mahajki afsoomaaliga ahaa ee fasalada dusiga saree fadlan noso gudbi hadii aad heeso sida kimiyaaga

  6. maxamed aden jama jabarti permalink
    January 8, 2010 1:21 am

    walaalayaal waxaan diyaar u ahay inaaan walalahayga soomaliyeed uso gudbiyo qoraalo aan ka diyaariyay barashada cilmiga kimistariga iyo fisigiska oo ah bilow .

  7. Anonymous permalink
    August 19, 2011 11:35 pm

    waw shaqo fiican

  8. Abdiaziz Osman Moalin permalink
    January 14, 2012 12:16 am

    Asc, magaceygu waa Abdiaziz Osman Moalin, waxaan ku noolaha wadanka sweden, marka waxaan u baahnaan lahaa in leyga caawiyo maadoyinka kala ah kimistariga iyo xisaabta, marka sideen ku heli karaa password lagu isticmaalo? iyo wixii kale ee warbixin ah oo ku saabsan website kan.

    mahadsanid

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.