Skip to content

INJINEERIYADA

image

HORDHAC

Waxaan jeclahay inaan mareegtan ugu soo gudbiyo walaalahayga soomaaliyeed inta jecel waxbarasgada, diini ama maadi miday doonto ha ahaatee inkastoo labadu ayna isu dhigmin oo ka diinigu ka sareeyo kana horeeyo ka maadiga, cilmi ku saaabsan ingineeriyada, kaas oo intii aaan marwalba ka awoodo, insha allaah, aan soo galin doono mareegtan ama boloogan. Waxaana ILLAAHAY ka baryayaa inuu ina waafajiyo jidka toosan isaga oo qura ayaa awoodaa iska leh.

Makaanikada

Cilmiga mekaanikadu waa cilmi saynis ah oo ku saabsan caddeynta, qeexida iyo saadaalinta isbadalka uu xoogu ku sameeyo walxaha uunka dushiisa saaran wada-kulan kooda kadib, walxahaasu kuwo neg ama kuwo dhaqdhaqaaq iyo socod sameenaya ha ahaadeene. Barashada mekaanikadu waa aasaaska qeybo badan oo katirsan sayniska injineeriyada, mana aha saynis saafi ah sida xisaabta inkastoo mekaanikadu la wadaagto xisaabta qaabka daliil-dheeha. Waxaana mekaanikada loo qeybiyaa saddex qeybood kuwaasoo kala ah:- B-mekaanikada walxaha sallaxa (rigid bodies), T-mekaanikada walxaha dumi-og (deformable bodies), iyo J-mekaanikada dareeraha (fluids).

Mekaanikada walxaha sallaxa waxa uu ka kooban yahay labo qeybood kuwaasoo kala ah qeybta ku saabsan barashada walxaha neg(aan dhaqdhaqaaq laheyn) afka qalaadna loogu yeedho statics iyo qeybta ku saabsan barashada walxaha socda ama dhaqdhaqaaq samaynaya(dynamics). Mekaanikada walxaha dumi-og waa cilmi khuseeya barashada caabiga ay walxuhu yeelan karaan marka uu saameyn ku yeesho xoog ama culeys taas oo walxaha qaar kamid ahi ay dumaan xooga ama culeyska la kulmay darteed, halka qaar kale ay iska caabiyaan oo uuna saameyn ku yeelanin xooga lakulmay. Mekaanikada dareeruhu waxay ku saabsan tahay barashada dareeraha urur sami-og iyo ka aan urur sami karin. Dareeraha aan urur-sami karin barashadiisu aad ayey muhiim u tahay sababtoo ah waxaa kamid ah qeyb ku saabsan biyaha aynu cabno iyo dhibaatooyinka la xidhiidha(hydraulics).

Aragtiinada Aasaaska u ah Makaanikada

waxaa jira afar shey ama waxyaalood oo sal u ah barashada mekaanikada inagana caawin kara fahmida mekaanikada kuwaasoo kala ah aminta, cufka, xooga, iyo dululaatiga. Dululaatigu waxa ay qeexdaa oogada ay meeli dhacdo marka loo eego oogo kale oo cayiman oo horey loo suntay iyadoo la tilmaamayo cabirka dhererka saddexda dhidib(X,Y,Z) ama jihada ay dululaatigaasu u jirto oogada cayiman. Amintu ama wakhtigu waxa uu muhiim uyahay dhacdooyinka dhaca sababtoo ah inta badan in la sheego oo kaliya dhacdadu meesha ay ka dhacday kuma filna tilmaamida dhacdadaa, sidaa daraadeed aminta sheegideedu muhiim ayey u tahay dhacdada. Cufka walxuhu leeyihiin waa uu kala duwan yahay waana astaan qeyb weyn ka qaadata isbarbar dhiga labo iyo inkabadan oo walxood. Tusaale ahaan hadii labada walxoodu ay isku cuf yihiin, caabi isku mid ah ayey ka bixiyaan isbadalka socodka. Xoogu waa falka ay walaxi ku fasho walax kale, falkaasu ha ahaado mid istaabasho leh ama mid fogaan leh sida kan cufis-jiidadka ama bir-labta. Xooga waxaa tilmaama barta lagu isticmaalay,laxaadkiisa, iyo jihadiisa taasoo ka dhigan in xoogu yahay xadi leeb.

Waxaan marka hore u xuub siiban doonaa barashada mekaanikada walxaha sallaxa, anigoo ku bilaabi doona barashada walxaha neg. walxaha negi waxa ay noqon karaan saxar oo ah walxo aad u yar yar oo maater ah loona qaadan karo in ay buuxin karaan hal bar oo oogada katirsan, ama walxo waaweyn oo ka koobma saxarka aynu kor kusoo sheegnay oo isu tagay yeeshayna qaab iyo meel ay oogada ka buuxiyaan. Barashada mekaanikada fududi waxa ay leedahay lix aragtiin kuwaasoo kala ah:-

1. Aragtiinka Barbaroolaha oo la adeegsado marka la isugeynayo xoogaga.

2. Aragtiinka Tebinta kaas oo qeexaya saameynta xoog lagu falay bar walax ka tirsan inaanu isbadaleyn hadii bar kale oo walaxda katirsan lagu falo xoogan xoog lamid ah kalana mid ah laxaadka, jihada iyo xariiq-falkaba.

3. Afarta Aragtiin ee Niyuutan oo kala ah

B. Xeerka koowaad: hadii isku darka xooga ku falan walaxi yahay eber, walaxdu qaabkeedii hore iska badali mayso.

T.Xeerka labaad: hadii isku darka xooga ku faln walax aanu le’ekeyn eber, walaxdu waxa ay yeelanaysaa karaar saamigal quman ku ah laxaadka iskudarka xooga iyo jihadiisa.

J.Xeerka saddexaad: xooga falka iyo fal-celiska walxaha istaabta waa isku mid laxaadkiisu iyo xariiq-faleedkiisu, jiho isku lid ah ayeyna leeyihiin.

X. Xeerka cuf-is-jiidadka.

Cutubka koowaad waxa aynu ku baran doona aragtiinka barbaroolaha iyo xeerka koowaad ee niyuuutan. cutubka labaadna waxa aynu ku soo bandhigi doonaa aragtiinka labaad oo ah tebinta. Cutubada ka danbeeyana waxa aynu ku baran doona xeerka saddexaad ee niyuutan. labada xeer ee soo hadhay kuwaasoo kala ah xeerka labaad iyo xeerka cuf-is-jiidadka ee niyuutan waxa aanu isticmaali doonaa marka aynu gaadhno barashada mekaanikda walxaha socda, haduu eebe idmo.

waxaan ku soo gabagabaynayaa hordhacan halbeegyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, halbeegyadaas oo noqon kara kuwo asal ah sida cufka(kg), aminta(s), dhererka(m), ama kuwo dhiraan dhiris ah sida xooga(N) kaynaanka(m/s), karaarka(m/s^2) iwm.

sheyga                             halbeeg(caalami)                                    halbeeg(biritish)

Amin                                     il-biriqsi(S)                                                il-biriqsi(S)

cuf                                        kiilogram(KG)                                           bowndh(lb)

dherer                                     mitir(m)                                                     inj(in)

xoog                                  niyuutan (N)                                                 bowndh(lb)

bed                                mitir labojibaaran(m^2)                         inj labojibaaran(in^2)

Cutubka Kowaad

Negida Saxarka

Cutubkan waxa aynu ku baran doonaa saamaynta uu xoogu ku yeesho saxarka. Marka hore waxa aynu baran doonaa sida ama habka labo xoog iyo in kabadan la isugu geeyo, kuwaas oo wadartooda dhaliya maxsuul-xoog ama xoog-wadareed. Xoog-wadareedku saameyn la mid ah saameynta lababada xoog iyo inta kabadan ee la isu geeyey, ayuu ku yeeshaa saxarka.Kadib waxa aynu baran doona adeegsiga habka dheelitiranka si aynu u helno qaar ka mid ah xoogaga ku dul falma saxarka.
Saxarku waa shay leh cuf, xajmi iyo qaab balse xajmiga iyo qaabka uu leeyahay aanu wax kasoo qaad lahayn. Tusaale ahaan xajmiga diyaaradu leedahay wax kasoo qaad maleh marka la barbardhigo xajmiga uu dhulku leeyahay. Sidaa daraaadeed waa in looqaataa in ay diyaaradu tahay saxar marka la baranayo socodkeeda hawada sare. Waxaana xusid mudan marka aynu leenahay saxar inaanan looga jeedin adeegsiga hababka aynu ku baran doono cutubkan wuxu uun ku kooban yahay saxarka, ee waxaan ula jeednaa isticmaalka ereygan in qarada iyo qaabka walaxda la darsayaayu ayna saameyn weyn ku lahayn natiijada xal u helida weydiimaha aynu cutubkan ku arki doono.

1.1 Xoogaga Sallaxa

Sida aynu horeyba u soo tibaaxney, xoogu waa falka walaxi ay ku sameyso walax kale. Noocyada xoogu waxa ay ka koobmaan saddex kuwaasoo kala ah:- Xoog isku-urur(compression), Xoog giigsan(tension), iyo Xoog dillaac(shear). Guud ahaan, marka la tilmaamayo dhalanka xooga waxaa la tilmaama laxaadkiisa, jihadiisa, iyo bar-adeegiisa, balse cutubkan waxa aynu kusoo koobi doonaa dhalanka xooga, laxaadka iyo jihada xooga sababtoo ah dhamaan xoogaga ku dul falma saxarka waxa aynu ku bedali doonaa hal xoog oo saameyn lamid ah saameynta xoogagaasu ku leeyihiin saxarka leh bar-adeegiisuna bar kaliya oo saxarka ka tirsan yahay. Halbeega xoogu waa niyuutan(N) ama bowndh(lb) iyo dhufsanayaashooda, kilooniyuutan(kN), kilobowndh(kip). Jihada xooga waxaa sunta xariiq-xooga iyo sansaanta xooga. Xariiq-xoogu waa xariiq toosan oo aan dhamaad lahayn oo uu xoogu ku dul falmo, waxaana xariiqdan tilmaama xagasha u dhexeysa xariiqdan iyo xariiq dhidib xajis ah, sida ka muuqata jaantuska hoose.

image

Sansaanka xooga waxaa lagu muujiyaa fallaadh sida ku cad jaantuska sare waana muhiim in la sheego sansaanka xooga marka la rabo in xoogaa la tilmaamo.Sida aynu kor ku soo sheegnay marka la rabo in labo xoog la isu geeyo, waa in la adeegsado aragtiinka barbaroolaha kaas oo adeegsigiisa tijaabo-shaybaadheed ahaan loo sugay aanse xisaab ahaan loo caddeyn karin loona dhiraandhirin karin. Marka hore shaxan(xariijimo) ku muuji labada xoog ee aad doonayso inaan isugeyso adigoo laxaadka xoog kasta cabir ay xaanshidu kuu qaadikarto siinaya, xoog kastana muujinaya sansaankiisa. Kadib dhamaystir dhinacyada kale ee barbaroolaha(ama laydiga). Markaa xoog-wadareedka labada xoogi waa dhexfurka barbaroolaha(laydiga) aad sawirtay.

Tusaale:-

1) labo xoog oo laxaadkoodu kala yahay 100N iyo 400N ayaa lagu falay dhagax weyn oo wado yaala si looga qaado wadada. Hadii xooga 100N ahi sansaankiisu yahay bari, kan kalena yahay waqooyi, raadi xoog-wadareedka labada xoog iyo jihadiisaba adigoo adeegsanaya xeerka barbaroolaha?

Xalin

Si aanu uga jawaabno weydiinta anagoo adeegsanayna xeerka barbaroolaha, waxaanu u baahan nahay qalabkan hoos ku qoran:

xaanshi

mastarad (cm)

xagal-beeg

intaa kadib cabir ahaan aynu u qaadano 1cm = 100N, sidaa daraadeed xooga 100N waa 1cm, xooga 400N waa 4cm.Imika sawir labo xariijimood oo mid kamid ah cabirkeedu yahay 1cm una jeeda bari(x) takena cabirkeedu yahay 4cm una jeeda waqooyi(y). Kadib afargeeslaha labadiisa dhinac ee kale ee lidka ku ah labadan dhinac ee aad sawirtay muuji, cabirna afargeeslaha dhexfurkiisa. Waxaa kuu soo baxaya in dhexfurka afargeesluhu yahay 4.12cm. maadaama 100N = 1cm, 4.12cm waxay lamid noqonaysaa 412N. Markaa xoog-wadareedka labada xoogi waa 412N. Mar labaad adigoo adeegsanaya xagal-beega cabir xagasha u dhexeysa xariijinta 1cm ka ah ee u jeeda jihada bari iyo xariijinta dhexfurka. Hadii aad si quman u cabirto waxaa kuu soo bixi doona inay xagashaasu cabirkeedu yahay 760. Sidaa daraadeed xoog-wadareedka labada xoogi waa 412N jihadiisuna waa 760 lid saacad wareega, sida ka muuqata shaxanka hoose.

image

2) Hadii xooga 400N ee tusaalaha hore jihadiisu tahay waqooyi-bari(450),adigoo adeegsanaya xeerka barbaroolaha raadi xoog-wadareedka labada xoog iyo jihadiisaba?

Xalin

Adigoo adeegsanaya qaabka aan tusaalaha kowaad ku soo baranay, sawir ladaba xoog, tilmaamna midkasta jihadiisa lagu siiyey(400N waqooyi-bari, 100N bari). kadibna cabir dhexfurka barbaroolaha dhererkiisa iyo xagasha u dhexeysa dhexfurkan iyo xariijinta xooga 100N ah ee bari ujeeda. Si fiican hadii aad u cabirto waxaad helaysaa in xoog-wadareedka labada xoogi yahay 476N jihadiisuna tahay 360 lid saacad wareega, sida ka muuqata jaantuska hoose

image

Layli

1) Waa maxay mekaanikadu? imisa qeybood ayaa loo qeybiyaa?

2) Tax noocyada uu xoogu ka kooban yahay, tusaalena u keen mid kasta?

3) Maxaad ka dheehatay labada tusaale ee aynu kor kusoo sheeganay? maxay wadaagaan ama ku kala duwan yihiin?

4) Hadii xoog dhan 300N lagu falo walax, jihada xooguna tahay galbeed, islamarkaana xoog kale oo u jihaysan koonfur- galbeed laxaadkiisuna yahay 100N lagu falo walaxdaas, adigoo adeegsanaya xeerka barbaroolaha, soosaar laxaadka xoog-wadareedka iyo jihadiisa?

1.2 Leebabka

Sida ka muuqata tusaalayaasha kore, iskudarka xoogu(xariiq-fal kala duwan leh) uma hoggaansana xeerka isugeynta ee aljebrada sabatoo ah hadii isugeynta xoogu u hoggaansan yahay xeerka isugeynta aasaasiga ah ee aljebrada, wadarta labada xoog ee tusaalaha koowaad waxay noqon lahayd 500N, ma ayna noqoteen 412N sida aynu tusaalahaas kusoo baranay. Tani waxa ay inoo caddeynaysaa in xoogu yahay xaddi leeb, loona baahan yahay in la adeegsado xeerarka isugeynta leebka marka la rabo in labo xoog iyo in kabadan la isugeeyo. Waxaana xusid mudan in xooga oo kaliya aan loo adeegsan xeerarka leebka balse ay la wadaagaan sheyo kale sida baro-baxa, kaynaanka, karaarka, maroojinta, kuwaas oo dhamaantood leh laxaad iyo jiho, una hogaansami og adeegsiga xeerkaa barbaroolaha. Halka sheyada leh laxaad qudha sida cufka, mugga, tamarta, kulka ay u hoggaansamaan xeerka isugeynta algebrada laguna sunto tiro caadi ah.

Qeexid:- Leebku waa odhaah-xisaabeedyo leh laxaad iyo jiho, wadartooduna ay u hoggaansami ogtahay xeerka barbaroolaha.

Waxaa jira siyaabo badan oo leebka loo sunto, waxaana siyaabahaas kamid ah in xarafka u taagan leebka dushiisa fallaadh lagu sawiro, xarafka lamuujiyo(bald), ama hoostiisa xariijin lagu qoro. Balse waxaynu leebka ku sunti doonaa labada hab ee hore ee kala ah in aan fallaadh ku dul sawirno xarafka ama aan xarafka muujino(bald). Waxaana leeb-xooga loo qeybiyaa saddex qeybood oo kala ah:-

B- LEEB DHAJIS oo ah leebka u taagan xooga ku dul falma saxarka kaasoo aan la dhaqaajin karin iyadoon heemaalkiisa wax laga badaleyn.

T- LEEB FAKAD oo ah leebka lagu sunto xooga ku dul falma sallaxa kaasoo oogada xariiq-falkiisa dhaqdhaqaaqi kara.

J- LEEB XOR oo ah leeb-xoogeed si xor ah ama madax banaan dhaqdhaqaaq ugu samayn kara dululaatiga.

1.2.1 Iskugeynta Leebka

Waxaynu horey u soo tibaaxnay in marka la isugeynayo leebka la adeegsado xeerka barbaroolaha, balse hadii leebab-xooga la isugeynayaayu dhacaan xariiq-fal iskumid ah, waxaa la isugugeyn karaa habka isku darka caadiga ah, jihadoodu haba kala duwanaatee. Tusaale ahaan xoog 5N ah oo jihada Koonfur ujeeda iyo xoog 9N ah oo isna Koonfur ujeeda wadarta laxaadkoodu waa 5N + 9N = 14N. Hadii xooga 9N ah abbaarkiisu yahay waqooyi, markaas wadarta laxaadka labadi xoogi waa 9N + (-5N) = 4N.

Waxaa ka farcama xeerkan barbaroolaha xeer loo yaqaano xeer saddex-xagal, kaas oo ah xeer kale oo la adeegsan karo marka la raadinayo isu geynta labo xoog. Xeerkan waxaa laga soo dhiraandhiriyey barbaroolaha taasoo barbaroolaha loo qeybiyey labo qeybood oo isle’eg kadibna uu samaysmay shaxan saddex-xagal ah. Xeerkan xeer saddex-xagalka ah waxa uu leeyahy xeer hooseed la rabo i la raaco kaasoo dhigaya:

In labada xoog ee la rabo in la isugeeyo loo habeeyo qaabka sayn-maddaxyeynta kaasoo ah in maddaxa xoog ka mida labada xoog ee la isugeynayo lagu dhajiyo saynta kan kale. Markaa wadarta labada xoogi waa xariijinta isku xidhaysa saynta xooga hore iyo maddaxa kan danbe sida ku cad shaxanka hoose

image

Kadib marka xoogaga loo habeeyo qaabka aan sare ku soo tibaaxnay waa in la adeegsado labada xeer ee kala ah xeerka sayn iyo xeerka koosayn si loo helo wadarta labada xoog

Xeerka Sayn:-

image image

Xeerka Koosayn:-

image

Xusuus:- Adeegso xeerka Sayn hadii xariiq-falka(xaiiq-xoog) mid kastoo ka mida labada xoog ee la isku darayo aad haysato iyo laxaadka midkood; adeegsona xeerka Koosayn hadii aad haysato laxaadka labada xoog iyo xagal kasoo horjeeda mid kamida labada xoog.

Tusaale 1: aynu adeegsano xeerkan si aynu u soo saarno xoog-wadareedka xooga tusaalihii koowaad ee aynu kor kusoo baranay.

Waxaynu haysanaa labada xoog laxaadkooda iyo xagasha u shexeysa sidaa daraadeed aynu adeegsano xeerka koosayn si aynu u raadino maxsuul xooga laxaadkiisa, kadibna aynu adeegsano xeerka sayn si aynu u helno jihadiisa.

Xalin

image

Tusaale 2: Raadi xoog-wadareedka xoogaga jaantuska hoose iyo jihadiisaba?

image

Xalin

Ugu horeyn aynu isugeyno labada xoog ee isku xariiq falka ah sansaantoduna ay isku lidka tahay (F1 iyo F3). Kadib aynu adeegsano xeer saddex-xagalka labo goor si aynu u helno maxsuul-xooga dhamaan xoogaga lana siiyey. Marka hore labo xoog oo kamida saddexda xoog maxsuulkooda aynu raadino kadibna xoog-wadareeka labadaa xoog iyo xooga soo hadhay aynu isugeyno anagoo adeegsanayna mar labaad xeer saddex-xagalka iyo xeer-hooseedyadiisaba (Koosayn iyo Sayn)

image

image

1.3 Ku xallinta xooga Xubnihiisa

Waxaynu horey usoo aragnay in labo xoog iyo in kabadan oo dhaca sallaxa dushiisa lagu badali karo hal xoog oo saamayntiisu ay le’eg tahay saamaynta xoogaga la isu geeyey ay ku leeyihiin saxarka.Gedis ahaan, hal xoog oo kaliya waxaa suurto gal ah in lagu badali karo labo xoog iyo in kabadan oo natiijada ay dhalinayaanu ay lamid tahay ta uu dhalinayo xooga qudhu. Labada xoog iyo inta kabadan ee ka farcamay halka xoog waxaa loo yaqaanaa xubnaha xooga, nidaamka la adeegsadona kolka xoog loo badalayo xubniisana waxaa lagu magacaaba ku xallinta xoog xubnihiisa.Waxaana in la ogaado mudan in marka la doonayo ku xallinta xoog xubnihiisa qaabka ama nidaamka loogu xalinayo in uusan koobnayn, laakiin inta badan la adeegsado labo xaraf ama saddex xubin-urur oo u taagan xubnaha xooga.

1.3.1 Xubno leydiyeedka xooga

waxaa in badan dhacda in xal u helida weydiimaha nala su’aalay ay fududaanayso hadii aynu xooga ku xalino labadiisa xubnood ee isku ligan. Taasi waxa weeye in xooga aan haysano loo jajabiyo(xubneeyo) labo qeybood hadii dululaatiga uu kudul falmayo xoogaasu yahay labo addimle, ama saddex xubnood hadii dulululaatigu yahay saddex addimle. Dululaatiga uu ku dulfalmayo xoogu hadii uu yahay labo addimle, markaa xubini waxa ay isdulbuuxinaysaa oo ay isku dhinac noqonayaan dhidibka X. takalena dhidibka Y. Hadii dulululaatiga xoogu yahay saddex adimle, xubini waxa ay isku dhinac noqonayaan dhidibka X, xubinina dhidibka Y, ta soo hadhayna dhidibka Z. Xubinta dhidibka X ay isku dhinaca yihiin waxaa lagu suntaa FX , tan ay dhidibka Y isku dhinaca yihiina Fy , tan Zna Fz.Waxaynuna marka hore barandoonaa xubnaynta xooga ku dul falma dululaatiga labo addimlaha, kadib ayeynu ugudbi doonaa kan saddex addimlaha ah.

image

Si wanaagsan hadaynu u eegno jaantuska S ee dhinaca midig, waxaa noo muuqanaya in marka xoog xubnihiisa lagu xaliyo shaxanka soo baxayaayu yahay afargeesle leydi u eg. Sidaa daraadeed xubnaha xooga ee FX iyo Fy ee afargeeslaha waxaa loo yaqaanaa xubno leydiyeedka xooga, xariiq-dhismeedkooduna barbaro ayuu la yahay dhidibada X iyo Y ee ka muuqda jaantuska.

Xubnaha xooga waxaa lagu soo saari karaa qaacidooyinka soo socda:-

FX = Fcos(θ) …….. 1

Fy = Fsin(θ) …….. 2

F waa laxaadka xooga aynu haysano ama nala siiyey, θ na waa xagasha u dhexeysa xooga (F) iyo dhidibka x taas oo laga cabirayo lid-saacad wareega dhidibka x ee togan.

Tusaale 1:-

image

Xoog 2400 N ah ayaa lagu falay nadhka B ee jaantuska

dhinaca midig. Soo saar xubin-jiifka iyo xubin-qotonka xooga?

Xalin

Marka hore aynu raadino xagasha u dhexeesa xooga la ina siiyey iyo

dhidibka x ee togan. Markaa θ =1800–350 = 1450 , F na waa 2400 N

image

FX = Fcos(θ)

= 2400Ncos(1450) = –1966 N

Fy = Fsin(θ)

= 2400sin(1450) = 1377 N

Sidaa daraadeed xubinta xooga ee barbaroha la ah dhidibka x xoogeedu waa –1966 N, tan dhidibka x ku ligana waa 1377 N.

Tusaale 2:-

imageXadhiga TJ ee jaantuska dhinaca midig ayaa tiir-gudubka TB ku falaya xoog ah F kaasoo jihadiisu ay ku abbaaran tahay (toosan tahay) xariiqa TJ. Hadii xooga F uu leeyahay xubin-jiif le’eg 335 N, soo saar (b) laxaadka xooga F, (t) xubin-qotonka xooga F.

Xalin

xagasha u dhexeesa xooga F iyo dhidibka x ee togan waa θ =900–550 = 350 (xaglaha talantaaligu waa ay isle’eg yihiin)

(b) FX = Fcos(θ)

clip_image002[8]

image(t) Fy = Fsin(θ)

= 409sin(35) = 235 N

Mararka qaarkood waxaa dhacda in aanan nalasiin xagasha uu sameenayo maxsuul-xoogu (jihada xooga), balse nalasiiyo ama aynu haysano fogaanta dhererka x iyo y ay u jiraan bar falka maxsuul-xooga. Tani hadey dhacdo, marka hore raadi xagal-xooga (waa xagasha u dhexeysa maxsuul-xooga iyo xariiqa x ee togan) adigoo adeegsanaya xeerka tirignomitiriga, kadibna adeegso xeerka 1 iyo 2 ee kor aynu kusoo baranay ee ahaa:

FX = Fcos(θ) ………1

Fy = Fsin(θ) …….. 2

Tusaale:-

Nin ayaa xoog le’eg 400N ku jiidaya xarig ku xidhan saqaf guri sida ku cad jaantuska dhinaca midig. Soo saar ama hel xubin-jiifka iyo xubin-qotonka xooga xariga ee ku dulfalmaya barta T ee jaantuska.

Xalin:image

dhererka x waa 3m, dhererka y waa 4m

markaa dhererka TB waxuu noqonayaa :-

clip_image002[12]

Imika aynu adeegsano xeerka tiriignomitiriga ee ah:-

clip_image002[14]

clip_image004

Markaas

 

clip_image002[18]

clip_image002[20]

 

Sidaa daraadeed xubin-jiifka xooga xariga ee barta T waa 240 N, xubin-qotonkiisuna waa –320 N.

1.4 Dheelitiranka Saxarka

 

Casharada kor ku xusan ee cutubkan koowaad, waxaynu kaga hadalnay sida ama qaababka kala duwan ee loo soo saaro maxsuul-xooga labo xoog iyo in kabadan kuwaas oo ku dulfalmaya saxarka. Sida aynu soo aragnayna laxaadka maxsuul-xoogu marnaba ma le’ekeyn eber. Laakiinse waxaa dhacda mararka qaarkood oo suurto galna ah in laxaadka maxsuul-xoogu noqdo eber, taasoo ka dhigan in dhamaan isugeynta xoogaga ku dulfalmaya saxar natiijada ka dhalanaysaayu aysan wax saameyn ah ku yeelanaynin saxarkaa oo uuna dheeliyeeynin.

 

Qeexid:- dheelitiranka saxarku waa marka wadarta dhamaan xoogaga ku dulfalmaya saxarka maxsuulkoodu yahay eber.

 

Taasu macnaheedu waxa weeye in marka saxarka ay ku dulfalmaan labo xoog iyo in kabadan oo iskumid ah (iskalana mid ah laxaadka iyo xariiq-falka sansaantoodu haba kala duwanaatee(ie. mid togan + iyo mid taban –)) saxarku dheelitirmo. Tusaale ahaan labo xoog oo midi koonfur u jeedo laxaadkiisuna yahay –20N kan kalena waqooyi u jeedo laxaadkiisuna yahay 20N, isugeynta labadan xoog waa eber, saxarka ay kudulfalmayaana waa dheelitiran yahay.

Sii socod ……….

3 Comments leave one →
  1. September 16, 2010 3:10 pm

    sxb aad baad ugu mahadsantahay dadaalkaaga aad isku dayday inaad cilmi Afsoomaali ah usoo gudbiso.

  2. abdullah permalink
    April 6, 2011 12:40 pm

    aad iyo aad ayaa u mahadsantahay ma wada aqrnin balsa waan fahmi waaye runtii somaliga uu ku qoran yahay oo ah cilmi iya aniga iyo dadka ila faca ah oo ay dhib ku naqan doonto somaliga ay ku qorantahay skolada dhami luqada ajnabi ah ayaa wadnki lagu dhiganaye waa yaab. mahadsanid allaha ku xifdiyo hana ku siyaadiyo aqoonta adiga oo kale waa loo baahan yahay runtii.

  3. September 11, 2011 10:53 am

    Walaal wada ku mahada santahay sida aad ugu hurtay waqtigaaga walaalaha somalida ee ku adagtahay in ay ku fahmaan luqadaha kale waxaana kugu latalin laha in aad dadaalkaaga aad sii laba jibartid

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.