Skip to content

Xisaab

Isticmaalka ama dabbakhida xisaabta dhiraandhirinta (Derivative)

Xisaabtan looyaaqaano dhiraandhirinta ama afka qalaad loogu yeedho “derivative” waa qaybta asalka u ah labada qaybood ee ay ‘Caculus’tu u qeybsanto, taas oo leh faaiidooyin ama isticmaal farobadan oo xal u ah weydiimooyin xisaabeed oo faro badan. Hadaba si ay u fududaato isticmaalka dhiraandhirintu aynu soo qaadano tusaalooyin faro badan oo ku saabsan xisaabtan aadka muhiimka u ah.

Tusaale 1:-

Warshada kaaluunka samaysa ee laasqorey ayaa doonaysa inay sameyso kartoono(baakado) lagu keydiyo kaluunka ay qasacadeyso. waxayna warshadu go’aan ku gaadhey in kartoon kasta oo ka mida kartoomadaa uu yeesho sal labo jibaaran islamarkaana wadarta bed-duleedka kartoon kasta uu noqdo 192 mitir oo labojibaaran, sida ka muuqata jaantuska hoose. Muxuu noqonayaa kartooka dhalinaya mugga ugu weyn dhinacyadiisu(dimensions)

Xalin:-

Sababtoo ah kartoonka oo leh sal labo-jibaaran, muggiisa waxaa lagu helaa (sal x sal x jog) ama Mug (V) = x.x.h = x2. h, Sidoo kale wadarta bed-duleed (Surface area,)(S) waxaa lagu heli karaa bedka salka + bed-deleedka ama S = x2 + 4xh .

S = 192

x2 + 4xh = 192

4xh = 192 – x2 (dhinac walba ka goo x2)

h = (192 – x2)/4x (dhinac walba 4x u qeybi)

V = x2h

» V = x2(192 – x2)/4x (booska h dhig qiimaheda)

= x2(192/4x – x2/4x )

= 192x/4 – x3/4 = = 48x – x3/4

Imika isticamaal dhiraandhirinta (derivative) si aad u heshid dhinacyada kartoonka ee dhalinaya mugga ugu weyn.

Horaadka (D) muuqda (feasible domain) ee ay X noqon karto , ee waliba macnaha sameenaya weydiintan waa :- 0 ≤ x ≤ √192

V = 48x – x3/4

dV/dx = 48 – 3x2/4

dV/dx = 0 = 48 – 3x2/4 = 0

3x2 = 192

x2 = 192/3 = x2 = 64

X  =  ± √64  › X = ± 8

-8 kamid maaha horaadka muuqda ee X, sidaa ajligeed X = 8 .

jooga kartoonkuna waa :- h = (192 – x2)/4x = (192 – 82)/32 = 4

Sidaa daraadeed dhinacyada kartoonku waa in ay noqdaan 8 x 8 x 4 si ay u dhaliyaan mugga ugu weyn kaasoo ah 256m3.

Fiiro gaara:-

Waxaa jira kartoono sal labo jibaaran leh oo aan tiro (xad) lahayn oo leh wadar bed-duleed(surface area) lamid ah 192 (ie: (42 + 4 x 4 x 11), ama (52 + 5 x 2 x 16.7), iwm) balse dhamaan dhinacyada kartomadaasi ma dhalinayaan muga ugu weyn. Kan aynu xisaabiney dhinacaydiisa ayaa ah ka kaliya ee samaynaya muga ugu weyn. Halakaas waxaad ka ogaan kartaa faaiidada ay leedahay dabakhida ama isticmaalka dhiraandhirinta(derivative).

Tusaale 2

Engineer guryaha dhisa ayaa doonaya inuu nashqadeeyo cabirka daaqadaha guri ku yaala magaalada kismaayo.waxa uuna Engineerku doonayaa in daaqadkasta qeybteeda sare u ekaato nus-goobo (goobo barkeed), qeybta hoosana ahaato leydi sida daaqadaha caadiga ah, sida ka muuqata jaantuska hoose. Muxuu noqoneyaa cabirka hareeraha(dhinacyada) daaqadkasta ee uu Engineerku nashaqadeynayo, dhinacyadaasoo samaynaya bedka ugu weyn ee dariishadaha, hadii wareega guud ee daaqadkasta uu yahay 8m?

Xal

Siin

<Wareega guud = 8


<Wareega nus-goobada = pr / 2

<Wareega leydiga = x+2y

Weydiin

<!Dhinacyada dhalinaya bedka ugu weyn?

Wwareeg (P) = x + 2y + (px/ 2)

8 = x + 2y + (p.x / 2)

16 = 2x + 4y + px (dhinackasta ku dhufo 2)

4y = 16 – 2x – px (dhinac walba ka jar 2x iyo px)

Y = 4 – x/2 –px/4

Bed (A) = bedka leydiga + bedka nus-goobada

= x . y + (p. (x/2)^2 )/2

= x (4 – x/2 –px/4) + p/2(x^2/4)

= 4x – (x^2)/2 –(px^2)/4 + (px^2)/8

= 4x – x^2/2 – px^2/8

Isticmaal imika habka dhiraandhirinta saad u heshid dhinacyada dariishadkasta kaas oo dhalinaya bedka ugu weyn

A = 4x – x^2/2 – px^2/8

dA/dx = 4 – x – px/4

dA/dx = 0

4 – x – px/4 = 0

4 = x + px/4

4 = x(1 + p/4)

4 = x(4 + p )/4

X = 16/ (4 + p )

dhiraandhirinta labaad (second derivative) ee bedku waa (– 1+p/4), kaas oo taban marka X = 16/ (4 + p).

Sidaa daraadeed marka dhinacyada dariishad kasta ay kala yihiin: X = 16/ (4 + p), ( ≈2.24) , Y = 32/ (4 + p), ( ≈ 4.48) ayaa samaynaya bedka ugu weyn ee daaqad kasta.

 

layli

  1. Taranta labo tiro oo tirsiima ayaa ah 180 isla markaana wadarta labada tiro ayaa ah ta ugu yar, Raadi labad tiro?
  2. si uu u dhiso cali wado weyn oo u dhexeysa labo magaalo ayaa ay khasab tahay inuu buuxiyo tog u dhexeeya labada magaalo kaasoo dhinacyada janjeedhkiisu kala yihiin 5% and 6%. hadii labada dacal ee sare ee togu isu jiraan masaafo dhan 100m Raadi cabirka meesha ugu hooseysa ee toga?

      

&&&  ____________________________________ &&&

Isle’egyada

Isle’egyada waxaa lagu xalin karaa dhowr qaab oo kala duwan . Waxaana ka mid ah qaababkaa: qaabka daboolida, qaabka wareejinta iww.

Tusaale 1 qaabka daboolida(cover up method)

Xali isle’egta hoos ku qoran

clip_image002 gacantaada saar tirada door

soomaha wadata

clip_image003clip_image005, waxaa halkan kaaga cad in tirada aad gacantaada saartay ay lamid tahay 4 taaso marka loo qeybiyo hooseeyaha (4) maxsuulka soo baxaya uu yahay 1. Sidaa daraadeed

3x = 4  dhinac walba u qeybi 3

X = clip_image007

Tusaale 2

Xali isle’egta hoose

4x + 5 = 7

clip_image003 + 5 = 7

4x = 2

clip_image002[6]

 

Xusuus:-

Qaabka daboolida marka la isticmaalayo waxaa

la daboolayaa(qarinayaa ) tirada doorsoomaha

wadata mar walba kadibna waxaa la

le’ekeysiinayaa tiradan doosoomaha wadata ee

la qariyey tirada run kadhigaysa isle’egta lagu

siiyay   

40 Comments leave one →
  1. September 15, 2008 6:06 pm

    Anigoo ah Maamulaha Schoolada Alpha primary & secondary schools Koonfurta Mogadishu Somaalia
    Waxaan Jecleystay web page kan 100%
    I hope you all the best

    • C/raxmaaan maxamed permalink
      June 16, 2009 6:44 pm

      Hussen , waxaan ku weydiiyey , halkee ka heli karraa BUUGAAGTA xisaaba ee MANHAJKII Somaaaliga ahaa, waase xilligii Dowladdi Siyaad BARE.

      mahadsanid .

      • Anonymous permalink
        April 3, 2010 4:58 pm

        Hussen , waxaan ku weydiiyey , halkee ka heli karraa BUUGAAGTA xisaaba ee MANHAJKII Somaaaliga ahaa, waase xilligii Dowladdi Siyaad BARE.

        mahadsanid .

  2. xisaabyahan permalink
    September 16, 2008 9:32 pm

    aad ayaad u mahadsan tahay Mr Hussien faaladaaduna waxay nagu dhiiri galinaysaa inaan dadaalka ama faaiidada aan walaalaha soomaaliyeed u faaiidaynayno sii kordhino

    thank you

  3. waw permalink
    September 21, 2008 12:30 am

    its nice

  4. guursade permalink
    March 15, 2009 3:54 pm

    ma fahmayee waxa ii saxa bal

  5. July 26, 2009 4:49 pm

    waxan u baah nahay xisaab awalkeeda isku dhufashoka bilaw

    • cabdul cuzaa permalink
      January 16, 2010 4:56 pm

      asalaamu calaykum

  6. bashka permalink
    August 10, 2009 10:12 pm

    waxaan ku weydiiyey , halkee ka heli karraa BUUGAAGTA xisaaba ee MANHAJKII Somaaaliga ahaa dowladdii siyaad barre

  7. bashka permalink
    August 10, 2009 10:13 pm

    waxaan ku weydiiyey , halkee ka heli karraa BUUGAAGTA xisaaba ee MANHAJKII Somaaaliga ahaa dowladdi somaliya

  8. abdi risaq permalink
    October 8, 2009 2:44 pm

    waxaan jeclahay xisaabta ee iigu soo dir ciwaan kaan mahadsanid

  9. madabaas permalink
    October 16, 2009 2:32 pm

    waxaan rabaa in aan lasocdo xisaabah

  10. Anonymous permalink
    November 11, 2009 10:33 am

    Wan ka helay xisabtan `!

  11. Anonymous permalink
    January 12, 2010 5:47 pm

    xisaabkasta ma idin weeydiin karaa

  12. Anonymous permalink
    January 12, 2010 5:48 pm

    waxaan ahey adrey dugsiga ar dhigto marka waxaa i dhibey xisaab

  13. mohamed permalink
    January 12, 2010 6:05 pm

    1- HOW MUCH REENA INVEST AT AN ANNUL RATE OF 8% IN ODRED TO $200 in interest over 260 days? hadii aad iga caawin kartaan jawaaabta igu soo dira adeerska

    • sucaad maxamad permalink
      January 16, 2010 5:19 pm

      asalaamu calaykum

  14. January 12, 2010 11:02 pm

    To maxamed:
    inta aynaan isku dayin jawaabteeda, marka hore aynu fahano su’aasha.

    waxaa nala siiyey

    anual rate (r) = 8% = 0.08
    interest (I) = 200
    time (t) = 260 maalmood oo lamid ah (260/365) sano

    waydiin

    how much she will invest, principal (p) = ?

    formula: I = Prt (qaacidadan ka dhiraandhiri qaacidada principalka, dhinacwalba u qaybi rt)
    => P = I/(rt)
    = 200/(0.08 x (260/365))
    = 3509.62 ≈ 3510

    sidaa daraadeed lacagta ay maalgalinayso inantu waa $3510

  15. micraj permalink
    January 31, 2010 12:34 pm

    masha allah waa mahdsantihn waxan ahay ardayed xisaabta igu yaro adkaatay waxan helay pagg waxan rajayna ina ka faidi dona insha allah

  16. July 28, 2010 1:09 am

    Asalaamu aleykum marka hore kheyr badan alaha ku siiyo sideen ku heli karaa Manhajkii xisaabeed ees soomaaliya dugsi sare yio dhexeba waxaan ku Nolahay maraykanka waana u baahnahay buugtan ee ii soo sheeg sidaan ku heli lahaa waadna mahasantahay,

  17. August 29, 2010 12:56 pm

    walaal waxaan ku wey dinay
    xisaabt layiraahdo aljabra
    bilowgeeda iyo dhamaan teed
    in aad nagu saacidid baan doonaynaa

  18. Anonymous permalink
    September 13, 2010 8:21 am

    waxaa ila sahlanaatay qaabkaan

    4x+5=7

    isla egta waxaa logu darikaraa ama laga jarikaraa tiro isla eg labada dhinacba

    sida 4x+5-5=7-5

    waxaa kuu soo baxaysa 4x=2
    ka dibana waxaad u qaybanaysaa 2 labad dhinacba X= 4/2 2/2 waxaa soo baxaysa X=2

    • Anonymous permalink
      September 14, 2010 2:20 am

      Qaanbka aad uga shaqeysay waa qaab jira laakiin jawaabta aad soo saartay sax maaha dib u fiiri qiimaha X maaha 2 sababtoo ah (4 x 2 + 5 ma le’eka 7) X qiimaheedu waa 1/2

  19. abdikarim permalink
    September 24, 2010 10:52 pm

    waxaan ahay arday dadiisu kor u dhaaftay 45sano waxaan aad u jeclahay inaan barto maadada xisaabta iyo sayniska kuwaasoon aad ugu xiiso qabo
    waxaan idin weydiisanayaa ma iga caawi kartaan in aan helo bugaagtii
    dugsiyada sare ee soomaaliya ee maadooyinkaas iyo 2 buug oo la kala dhihi jiray saaxiibo kasbo oo af soomaali ku turjuman iyo kii ina cabdulle xasan ee gabayada ahaa.
    waxaana ka mahad celinayaa shaqada fiican ee aad umada u qabateen.
    waxaan rejaynayaa jawaab iiguna soo dir abdikarim14@hotmail.co.uk.

    wabilaahi towfiiq

  20. Sade permalink
    December 17, 2010 12:02 pm

    Asc sanadaan dambe wax aan la yaabay ayaan arkay manhaj yadii xisaabta ee soomaaliya oowax laga badalay sideen u soocelin karnaa man haj yadaas

  21. macalin permalink
    February 17, 2011 10:49 am

    Waxaad xisaabta ka baran kartaa ayadoo maqal iyo muqaal ah meeshaan: http://youtube.com/BaroXisaabta

  22. Abdi permalink
    March 10, 2011 12:35 am

    Waxaan jeclaan lahaa sida aad iga saacidi kartaan xisaabta ah Boqoleyda,jajabka,cabirada,iyo Aljebra qeybaheeda kaladuwan dhamaan.
    Salaan.
    Abdi

  23. Faysal permalink
    September 18, 2011 6:48 pm

    Waxan raba inan barto xisabta jowmitiri iyo aljabra sidan uhelaa mahadsanadn

  24. cismaan cumar cige permalink
    October 26, 2011 5:00 pm

    waxaan ahay arday jaamacadeeed waxaa idhibay culculsta

  25. cismaan cumar cige permalink
    October 26, 2011 5:04 pm

    walaal waxaan doonayaa culculusta waxa afsoomaali lagu yidhaa iyo sida looga shaqeeyo iigu soo dir emailkaa

  26. October 29, 2011 9:02 pm

    walal waxa idin wweeedyiinaa halkeee ka heelikarnaa buugagti hore ee af somaliga chemestry physics math intabaa waxaa aahaay ardaayaad sanaadkii kowaaad ee medecine in fr markaa walaal hadaa garaaneysaan iigaa caawiyaa mahaadsanid hadii uu jiro qof calculus ka aad ugu fiicaan waxaa ka codsaneeynaa ex video inuu ino soo diyaariyo mahaadsanidiin

    • May 31, 2012 11:53 am

      asl walaal waxaa ka heli kartaa maktabadaha somaliyeed iyo wadan keeni hooyo runtii waana muhiim inaad raadi saa oo aad barataa waxa erayada qalaad lagu yidhaa afkeena hooyo runtii xisaabta waxay ku dhanathay buugagtii hore ee wadankeena runti walaal waan ku soo diyaarinaa hadii aan wakhti u helo wan isku dayo hadu alle yidhaa wanad mahad san tahay sida wanagsna ee ee ad u radinayso wax barashadeena

  27. Anonymous permalink
    January 6, 2012 4:10 pm

    Asalamu caleykum waraxma sxbayaal waxan kaga mahadcelinlaha mudanaha webkan iskuhowlieyey iyo inta kasaacidaba howlaha muhiimka ee uu qabtey anigo rabo inan wax yar halkan kasaxo , runti anigon cilmi sida uburan laheyn , Ern waxana isleyahey dagaladi sokeye ee dalkena somaliya waxey ad usameyen ereybixinta cilimiga ee afsomaliga wayo cida wax kubaratey 20ki sano ee dambe dalka somaliya waxey wax kubarteen afaftak qalad ama english , ama somali marka waxan raba inan mudanaha webka kubararujiyo ; Derivitive afsomaligedu mahin dharandhirin ee waa “xegin” markale derivitive afsomaliga waxa lagu yiraah ,”Xigid? wasalaaaaaaaaaaaaaaaaaam

  28. Luul permalink
    January 10, 2012 7:19 am

    asl magaceygu waa luul walal mashalah ad baan uga faidnay qormadan
    walal yaal waxaan rabi lhaa cid xisaabta statistics ga iga cawinta marka book asomli ah oo kahadlaa majaira

  29. Luul permalink
    January 10, 2012 7:20 am

    af Somali baan ka awada

  30. March 31, 2012 5:43 pm

    aaad yaan ugu farax sanahay aqoon aad usoo gudbinaysaa bulsha soomaaliyeed

  31. hussein mohamed permalink
    April 4, 2012 11:48 am

    waxaan idin ka codsanaya in aad ciwaan kaa ii gu soo dirtaan maadada magaceeda layidhaahdo HRM HUMAN RESOURCE MANAGMENT

  32. May 31, 2012 11:49 am

    waxaan ahay arday aad xisaabta u xiiseeya ilaa intaan yarana ku wanagsan ku na soo dhigtay wadamo kala dugan hadana raba inaan sii korodhsado aqoonta xisaabta ee adoo raliya ciwanakaa ku darso ma iigu soo dir wixii akhbara adoo mahad san waa hadii aad awoodo Diiga09@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.