Skip to content

Sheeko

 

dhibanaha-thumb.jpg

Sheekadan waxaa qoray Qoraaga Caanka ah ee Faarax Maxamed Jaamac (CAWL) isagoo xus uga dhigay sheekadan 37 dii ardey iyo 4 macalin ee sida arxan darada ah ay ugu xasuuqeen magaalad boorama diyaaradihii xabashidu iyo kuwii kale ee ay nolosha ku naafeeyeen sodonkii janaayo 1984tii

Hordhac

Dhibanaha aan dhalan waa sheeko xaqiiqda dhabta aha ka muujinaysa darxumada iyo dhibaatada cadowgu gaar ahaan kan amxaaradu ku hayeen umada soomaaliyeed ee degta galbeedka soomaaliya ee uu cadowgu maanta haysto. waa sheeko isugu jirta jaceyl iyo naxdin taas oo lasoo darsaysa wiil iyo gabadh isjeclaaday islamarkaana cadowgu kala dhexgalay jecaylkoodii iyagoo waliba gabadha reerkii ay ka dhalatay dhamaantood, iyada mooyee, xasuuqey.Willka magaciisu waa DALAL gabadhana BILAN. bal aan uga hadho qoraaga hanoosoo bandhigee sheekadan layaabka leh ee cajiibka ah.

 

Qeybta Koowaad

 

   “Dunideenu waa yaab badan tahay, waxaana dhacdey in gabadh labaatan sano jirta oo  Bilan aw Jaamac layidhaahdo, inay maalin maalmaha kamid ah sanadkii todobaatan iyo sideedii ari ku ilaalinaysay goor barqo ah deegaanka u dhexeeya magaalooyinka Jigjiga iyo Wardheer.

Bilan sidey arigii ula joogtay, bey waxay dul joogsatey haro xareed qabow ah, wax kale masameyne intay hareeraha iska eegtay, ayey dharkii iska dhigtay oo haradii ku gashay gabasaarteedii khafiifka aheyd ooy guntatay kaliya, halkaasey intay biyihii harada ku laba legdeysay sidii aaney waxba ka maqneeyn hadba hees qaaddey oo marba si isu rogrogtey.

Bilan ma aheyn nafleeyda keliya ee harada ku raaxeysaneysay , ee shimbiruhuna farxad iyo ladnaan ayey hadba codad kala geddisan la waq-waq-wis-wiis lahaayeen. Rahuna dhaqan haka ahaatee, markuu dhergo reynreyn ayuu la dhaa-dhaa lahaa.

Gidigood nafleydaas harada joogey, ha ahaato mid qadhaab kasoo dhergey, ama mid sidiisa u faraxsan, nolol aduunyo iney u dhaltahay ayey u aheyd, khaas ahaan Bilan sidey dunida kaligeed leedahay ayey cabsi iyo werwer la’aan marba si u dabbaalatey, mar ay jirjirka u dabbaalato, iyo marey hadba dhinacyeyso, iyo marey hadba hoos u muquurato.

Bilan, waxay ka dhalatay qows reer guura ah, oo Soomaali ah, aabaheed iyo hooyadeed waa ay noolaayeen, waxyna walaalo ahaayeen Bilan gabar ka weyn oo baryahaas la aroosay iyo labo wiil oo kan ugu yar qowska yahay saddex sano.

Aw Jaamac, Bilan aabaheed wuxuu ahaa wadaadka beelaha meesha dega, oo aad looga danbeeyo , cruurtiisana diinta islaamka si fiican u baray, khaas ahaan Bilan sodonka jis ee qur’aanka xaafid ayey ku aheyd, edebteeda iyo hab dhaqankeeda beesha aadba looga kuunyi jirey, aabaheedna waa adeeci jirtay wuxuuna had iyo jeer ugu duceyn jiray, “Ilaahoow Bilan meel roon mari, oo rug wanaagsan deji, qeyrkeedna dhaafi.”

Maalintaas ay harada ku dabbaalaneysay, malaa’igta iyo lama arkaanka nololeed ka sokow, waxaa muuqaalkeeda iyo jidhkeeda qurxoon nasiibsaday inuu si buuxda u daawado, inan Dalal Cumar layidhaahdo oo isna Soomaali ah oo si kedis ah harada u soo dul joogsaday iyadoo aan arkeyn.

Dalal Cumar, oo sideed iyo labaatan jir ah, wuxuu ka tirsanaa isla beelaha meesha deggan, wuxuuna ahaa inan madi ah, gabdho walaalo ahna aan lahayn, hooyadii iyo aabihiina dhinteen isagoo yar, hase ahaatee, wuxuu la joogay adeerkiis oo xoolobadan leh soona koriyey.

Dalal intuu ka il horreeyey Bilan, ayuu dhrkeedii ka hoos qaaday geedkay hoos dhigtey, oo meel ku qariyey. Dabadeedna intuu dib u soo beerdhigaaleeyey ayuu hoos jiifsadey geedkii uu dharkeeda ka qaaday, si uu riwaayadda ay dhigeyso uga daawado.

Dalal meelaan ka fogeyn harad ayaa geeloodii u daaqayey, si fiicanna uma garan gabrta meesha ku dabbaalaneysa, hase ahaatee tilmaamaha uu quruxdeeda ka heystay, iyo sheekooyinka uu ka maqlay cidaha, wuxuu malihiisii siiyay inay tahay Bilan Aw Jaamac.

Mar waxaaba ku soo dhacday inuu dharka intuu iska dhigo harada la galo, haddana intuu is qabtay ayuu isku yidhi “bal sii ayara daawo’ sidaaney ku macaan tahay.

Bilan, waxay hadba hab u dabbaalato, oo meel walac ka siiso, maruun bay daniday in la weheliyo, markaasay intey xaggiisa u soo dabbaalatay ku soo dhowaatay oo wax  eeg eegtay. Wax-base mey arag, maxaa yeelay beerkuu dhulka  ku dhejiyey. Halkaasey halkeedii dabaashii ka wadday iyadoo marba doc isu rogrogeysa, marna xagal isu teegeysa , oo muujineysa mudanayaasheeda oo caaradooda af bakeyle la moodo.

In cabaar ah markay sidaas u dabbaalaneysay, ayey haradii kasoo baxday, soona beegtay xagiisii oy dharkeediii ku ogeyd, iyadoo biyihii ka da’ayaan, caado ha ka ahaatee qunyar socodku ama markaas heys yeelyeeleysee, waxay xaggiisii soo beegtay iyadoo tallaabo talantaali ah, oo hab iyo xarrago leh, si habsami ah u dhigeysa, timaheedii dheeraana hadba intey madaxa weyraamiso biyaha ka shax shax siineysa.

Waxay marba soo dhugdhugato oo gacmaheeda dhaadheer ee garaaraha lahaa soo weydhaamiso, maruun bey si lama filaan ah , u dareentay dhaadkeeda oo gacan dad kaga dhegan tahay.

Intey cirkaas ka qeylisay oo tiri ‘hayaay’! bay hoos wax u eegtay, mise yaabkeeda waa nin dhallinyar oo beerka u jiifa gacantiisii. Malaha geesinimo ay u dhalatay sabab ha u ahaatee, intey gacmaheedii ku nabsisirtay, bey si qumaati isu taagtay, oo ku tiri, ‘war hoy i siidaa, Ilaaha ma taqaan? Maxaa dhaadka ii heysataa? Waan ku baryayaa, waxbana kama sitee, iska key daa, oo iska key daa’ ayey haddana ku celcelisay.

Erey ma celine, isagoo u maleynaaya inuu riyoonaayo buu hadba meeluu uga bogey jidhkeedii qurxoonaa, oo midabka dahabiga ah yeeshay, markii cadceedii barqo qabatay dhaayaha marba meel ku nasiyey.

Mar danbe buu yiri, ‘Wegerey, weger, waxba igama sidatid miyaa? Wahey wah, ma saasaa kaa dhab ah? wax wacan ayaa iga sidataa, waligeyna gabadh aan dhaadkeeda haleeley sahal uma sii deyn, waabase adoo sidan wacan ah’ buu ugu jawaabey! isagoo aad mooddid aar raq helay, oo ku haliilaaya baahi heysa darteed.

“Horta miyaa leys gaadayaa? ayey tiri.

“Maya bareerna waa aqaan, buu ugu jawaabay.

“Haddee isiiddaa, sidani waa gaadmo’e.

“haba sheegin siideyn”, dabadeedna intuu gacantiisii kale lugteeda kor ugu tafay ilaa bowdadeeda ayuu yiri ‘Ayaankee, ayaankee, ma anaa gabar qaawan talo weydiiya? Sow wax keliya oo ii harsan leged ma aha?’

Bilan, waxa u caddaatay iney dabin gashay, weliba midaanay ka bixi kareyn, baryona aanay waxba tareyne ay isdaafacdo. Sidaas awgeed, intey indhaha isku qabatay ayyey dhaqdhaqaaq bilowday iyadoo leh, ‘war hoy waan ku tuugayaaye iska key daa, oo iga xishoo yaan xaal ku raacinee’.

Dalal, markuu dareemay is dhifdhifadkeeda, ayuu qumaati isugu taagey, ayuu labada gacmood ka buuxsaday, waxaana bilaabmay legdin iyo laacdan hor leh oo leysku naxayn, bacdamaa Bilan qoyaneyd, garbasaar keliyana xirneyd, hadba markuu isyiraahdo haddaad taabatey ayey ka muruxsaneysay.

In cabaar ah wax leys ligligaba, leyslana xiiqay ayuu mar keliya tabco gudeed la helay oo jirjirka u ridey. Halakaasaa la isla galgashay oo hadba leysla dhinacayey.

Haddeyse aragtay, in laga xoog roonaaday beylahna ay u tahay baahidiisa ayey, halkaas shafka ah qaniinyo kaga dhejisay, markaasuu doc intuu iskaga dhiftay dharbaaxo aan kululeyn iskaga furfuray.

Waxay isla galgalashadii socotaba, aakhirkii ayuu garbasaartii ka tuurey, oo si fiican labada gacmood ugu taabey. Hase ahaatee, jidhka meel waliba meel lehe, markuu culeyskiisii iyo canbuskiisii ku dareensiiyey abuurkeedii dhedignimo, ayna si oggol diid ah u jidh debcisey oo uu haahaabasho galay ayey mar kaliya si lama filaan ah intey caloosha ku qaaday doc isaga tuurtay oo in il biriqsi ka yar toban talaabo meel u jirta u booday, markay xiratay dharkeedii ayey xaggiisii ka maqashay, taah iyo qeylo uu ku leeyahay, ‘aah aah! naa qoriga iga bixi!.

Ugu horreyntii waxay u qaadatay iney khayaamo ka tahay. Goortaasey intey isa soo dul taagtay, intey yare qososhay ku tiri, ‘maanaa mar kale i dagi kartaa? Taahii iyo qeyladii ayuu sii kordhiyey intuu u muujiyey meeshuu qorigu kaga taagnaa oo ahayd gosha. Markaasey aragtay inaaney khayaamo ka aheyne arrintu dhab tahay, oo ku soo dhaqaaqday, oo qoriga ka soo siibtay. Isla markaasna waxay ka joojisay meeshii uu dhiigu kasoo daatay intey xuf yar maradeedii ka soo jeexday. Kaddibna inyet kicisay ayey ilaa xagii haradii u garab gashay, halkaasoo ay gacmaheedii ku waraabisay, uguna weji dhaqday si uu u nafiso.

In cabaar ah markuu nasanaayey iyana ag fadhido ayuu yiri, ‘Waad mahadsan tahaye, sow gabarta Bilan la yidhaahdo ma tihid’.

‘Ma-ahiye maxaad ku tiri, mise horaa ii aragtay?’

“Maya hore kuuma arag, laakiin dhalinta beeluhu gabar walba sheeko iyo tilmaan ayey ka heystaan.’

‘Maxay iga haystaan?’ ood igu aragtaa?

‘Waxaan kugu arakaa qurux aan la maleyn karin, iyo raxiimnimo’.

Dumar waa ammaane, iyadoo sii jeclaysanaysa hadalkiisii bay intey yara xishootay hoos eegtay oo tiri, ‘illeyn ficilka xun ood isku dayday waxaa kuu dheer hadalka beer laxawsiga degdegga ah iyo qaraaxadda’.

‘Xaasha, an meelaan kugu saluugo ma lihid, haba kuu dheeraatee, hadal macaankaaga iyo haasaawe helkaaga’. Inta malaha meeshii damqatay ayuu yara taahay oo yiri ‘waxbaa iga raacay’.

‘ha,ha! intey si tiiqtiiqsi ah u tiri, bay waxay tiri, runtii wadhi baa kaa raacday, gabar qaawan ood labadeeda dhaad haleeshay, haddana aadan calfan, sow dhallinta beeshu hadday ogaato kugu qoysli meyso.’

‘Taasi waa guubaabo’

‘Waxay tahayba kaa badbaaday’ Ogowna waxaad tahay ninkii u horeeyey oo cududeyda qabtay’.

Isagii baa hadalkii qaatoo yiri, ‘goorey ahaataba waa inoo ballan, waana inoo xiran yahay ballankaasi, hortase Bilan Aw Jaamac ma tahay illeyn hadal baad na jeexsiisay?

waan ahay Bilan Aw Jaamac adna isku key sheeg’.

Waxaa ley yiraahdaa Dalal Cumar’.

‘Ma Dalal Cumar baa tiri,alley lehe bahal Cumar baad tahay’

‘Intuu qoslay buu yiri, ‘gacalow tilmaan kale aan bahal ahayn miyaad ii weyday’.

Waxay ku jawaabtay Dalaloow ‘ma ahayn inaan qorigii gosha kaa galay kaa siibo, ee waxaa abaalkaagu ahaa inaan meesha kaaga tago, laakiinse qofkii ku xumeeyaa waa la xurmeeyaa, dadnimadaa sidaas ah’.

Markuu arkay habdhicii haasaawaha meeshay ka qabatay iney ka heshay buu yiri, horta xaal baan ku siiyey iga aqbal, hibashadana halkaas ku dhaaf, ballan dambena inoo xir xiisaa inoo kala kordhayee.

Waxba mey oran, ineyse oggol diid tahay ayuu dareemay, halkaasuu ku noqdoo yiri, habeen dambe ayaanu cayaargud idiinku imaanaynaa ee maxaad ka qabtaa?

‘Waxba kama qabo, ee sidaas ha inoo ahaato’

‘waa tahaye nabadgelyo Bilaney.

‘Waa inoo sidaas iyo noolikulantee’ bay tiri.

Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yara durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantahay arigii oo dawacooyin labo neef ka bakhtiisteen. Aalaaba sida dhacda reer miyiga aad bey u qiimeeyaan xoolahooda nool, qofka beylihiyana sida Bilan ku dhacday, waa la dilaa, ama la canaantaa, kolleyba tallaabo ciqaabeed ayaa laga qaadaa.

Sidaas darteed, markey arigii guryo geysay oo warkii la helay in dawaco arigii wax ka cuntay baa hooyadeed Cawo Nuur canaan kulul dusha uga tuurtay, oo waxay ku tiri ‘naa yaa, xaalkaaga waa la socdaa, mee arigii lagu raaciyey? Mise beryahan dambe shafkaaga buuxsamay baa kuu been sheegay, oo haasaawe iyo qooq baad meherad ka dhigatay’. Iyadoo sii wada bey hadana tiri, ‘wallaadan reeka caawa iigu soo hoyaneyn, haahey’. Bilan waa ka naxday hadalkii hooyadeed haasawaheeda wax kaga sheegtay, waxayna danniday dhagar qabe dhulkow dhaqdhaqaaqee, iney si uun laacdankeedii maanta wax ka tuhuntay.

Canaantaas keliya loogama harine intey hooyadeed labo ulood ku dhifatay ayey weliba kaga dhaaratay ineyan caawa guriga u soo hoyanin. Inkastoo aabaheed isku dayey inuu dhexdhexaadiyo, hooyadeed oo qof kulul u dhalatay, ayaa ku adkaatay ra’yigeedii ..

 

Wey sii socotaa …….

___________________________

…….  SII SOCOD

Qeybta Labaad

 

     Sidaasay Bilan iyadoo dhowr qaarood qabta guriga duleedkiisa ugu hoyatay habeenkii. Inkastoo dhaxan qaboobi jirtay isla markaas baahiyi heysay oon waxba la siin, haddana ma dareemin, maxaa yeelay waxay ku dheeraatay feker ah, maxaaba laguugu dilayaa hadba neef dawaco cuntay, waad hano qaadday, gurina waad yeelan kartaaye, maad tahsatid. Fekeradaas aad bay ugu guuxday, waxayna gashay sidey dhallintey taqaan oo gayaankeeda ah xul uga samayn lahayd, marna waxyba isku tidhi ‘haddaad cidba weydo sidii hablihii hore sameyn jireen yeel oo meel kale isga heeran. Haddana markey ka sii fekertay, taasi waxay ugu muuqatay gabdha heerantaa iney tahay mid intey guur wayday iney guumeysowdo ka baqaysa, walise aanay iyadu heerkaas gaarin arrinteedu tahay, is afgaranwaa waalid oo keliya’.

Markaas, fekeradaas dambe waxay uga gudubtay iney indha-indheyso dhallintii beelaha. Inkastey is diidsiineysana waxaa hadba la hor keenaayey Dalal, oy cid isugu danbeeyeen, marbase waxay soo xasuusaneysay inuuba isagu leeyahay, sababta lagu ciqaaabay, waxayna isku tiri ‘kaasi inaad haaraanto mooye xulka ma geli karo’. Waxaase dhacday si kasta oy isu diidsiiso inuu Dalal noqday kan marna maankeeda ka bixiwaayey. Sababtoo ah, Dalal wuxuu ahaa inanka keliya oo indhoweyd haasaawe dhexmaray, oy laacdankiisii iyo leg isku qabshadoodii ka dareentay shucuurta islahaanshaha dheddiga iyo laboodka, aragtideedna, Dalal qurux rag lagu tilmaamo waa u dhammeyd, oo intuu dherer fiican oo buuxa garbarog leh u dhashay, ayuu wuxuu ku darsaday heybad uu dheddiga ku soo jiito.

Siduu ballanku ahaa habeenkii labaad oo dhan, waxay dhegeysaneysay bal in Dalal iyo dhallintiisii soo ciyaar gudeen. Nasiib darro wax sacab iyo sanqar ah waa maqli weydey, waxaana ku dhacday niyad jab, ay u qaadatay in Dalal ballantii uu isagu soo jeediyey kaga baxay. Hase ahaatee, habeen afraadkii ayey luuq sacab ka maqashay, meel aan reeka ka fogey, halkaasey iyada iyo gabar kale leysu raacay, boodadii sacabka. Dhallintii waa ku farxeen markey arkeen hablaha u soo baxay, khaas ahaan Dalal oo werwer ka qabay inaanu cid heleyn. In yar haddii la kaftamay oo hadal soo dhoweyn ah leysku tuurtuuray ayaa sacabkii bilaabmay, markii jaanta leysla helayna waxaa heesay Dalal oo yiri,

     ‘Hoobey, farasku waa higgoodaa.

          Hoobey, xakamuhuu ku higga gooyaa.

      Hoobey, kooruhuu ku himbilayoodaa.

      Hoobey, raggu waa higgoodaa.

      Hoobey, warankuu ku higga gooyaa.

      Hoobey, sumucuu ku himbilayoodaa.

      Hoobey, anna waa higgoodaa.

      Hoobey, sacabbaan ku higga gooyaa.

      Hoobey, Bilan baan ku himbilayoodaa’.

Bilan baa markaas heestii qaadatoo tiri,

     ‘Hoobey, geelu waa higgoodaa.

      Hoobey, biyuhuu ku higga gooyaa.

      Hoobey, darantuu ku himbilayoodaa.

      Hoobey, dumarku waa higgoodaa.

      Hoobey, qabyaduu ku higga gooyaa.

      Hoobey, dadabtuu ku himbilayoodaa’.

Goortey intaas is dhaafsadeen, ayaa waxaa beddelay heestii labo kale. Dalal iyo Bilanna intey gacanta isqabsadeen bay meel yar ka durugsan goobtii fariisteen, halkaasoo Dalal jirjirka u jiifsaday, Bilanna agtiisa jilbaha mid soo dhigtay. Haddii in yar la neef guray, ayuu intuu Dalal ku soo yare durkay gacanta qabtay oo ku yiri, ‘Yaa! oo illeyn gacmaha xaad baad ku leedahay’. waxay ku tiri, ‘Dalal ma bahalnimadaadii baad weli waddaa!?

  ‘ Maya’ e miyaan lagu gacan qaadi karin, haddaan dhowr beri kala maqneyn? miyeynaanse is cafiyin?.

Intey madaxa ruxday bey tiri, ‘Cafi ma sheegteen haddaad og tahay sidaan kuu eersaday maalintii dhoweyd’.

Maxaa dhacay?’.

‘Waxaa dhacay Dalalow, wax baas iyo waxaan eeday, oo maalintii dhoweyd intaan legdameney baa arigii aan la joogey labo neef dawaco ka cuntay. Sababtaas darteed, baa habeenkii hooyadey intey i dishey gurigii iiga dhaaratay inaan u soo hoydo.

Arintaas aabbahay raalli kama ahayn, oo si lixaad leh ayuu isu hortaagey, waxaase ku adkaatay hooyadey oy teedii noqotay. Sidaasaana habeenkii oo dhan dhaxantii jirtey iyadoo weliba qadoodi ii dheer tahay, aan guriga duleedkiisii yuururay. Miyaana ku eersan? Teeda kale hadda reerkii oo dhan waa isu dudeynaa, habeenkiina si aanan weligey u fekerin ayaan wax walba uga fekeraa, adduunka iyo aayahayga nololeedka’.

Maxaad ku fekertay waaba arin cusube?’.

Wixii gabar hana qaadday ku fekeri lahayd, baan ku fekeraayey iyo inaan reerkeyga ka tashi baxo’. Hadda ogow Dalalow mar walba waa ley kaa horkeenaayey’.

Bilaney ma ogtahay inaan adigana qaan kuu raacaayo, taasoo ah bal taabo meeshii qorigii dhinaca iga muday, labo beri baan jiifay, welina waa i xannuunayaa, sidaas darteed baan ballantii habeen labaadkii uga baaqday’.

Kolkaasey intey ku soo durugtay tiri, ‘alla! ma saasaa, bal i tus aan eegee’. Markaasuu dhabarka u soo leexshay, halkaasoo ay gacanta taabsiisay, bartii qorigu ka muday, waxayna tiri, ‘weli ma ku xannuusaneysaa?’ iyadoo gacantey ku heysay ugu dartay afka oo dabeyl qabow uga afuufeyso!.

Isagoo ku sii raaxeysanaaya neecawda qabow ee afkeeda ka soo baxaysa iyo taabashadeeda ayuu ku yiri, ‘taabashadaada raxmadeeda ayuun buu u baahnaa nabarku’.

Waxay tiri, ‘horta af ku malable baa tahay, intaas keliya hadduu u baahnaa inuu ku bogsado, waa kuugu fillahay hagar la’aan.

Haahey’ anna af ku malable dawliye ii daa, adna shinnidii hadba ubax dillaacay midda ka soo ururuneysay baad tahay, wadajirkoodaana malab ku abuurmaa, aniga iyo adigana malaha ma ogide is hanashadeennaa macaanka iyo raaxada nololeed ku dhameysmi kartaa. Waxaana fiicneyd in, Bilan hagar la’ laguu bixiyo’.

Inta hadalkiisii qalbigeedii toban baac hoos ugu degey oy sidii xishood galay gorodda hoos u rogtay bey tiri, ‘Dalalow gacaliye! waxaan ku fiicanahay iyo waxaan noloshaada ugu fillahayba waa ii heysaa, ee hays gabin’.

Intuu labo saddex jeer qoslay buu yiri, ‘ sheekadii aan ku noqonee, maxaad ku tashatay habeenkuu dhoweyd?’

Hadalku waa sarbeeban yahay, xaggee kaa dhaafay, ma su’aal beyse leedahay gabar tiri, inaan reerkeygii ka talo baxaan rabaa, Dalal intaas ma garatay, mise talo wax boob baad ka taqaan’.

Isagoo qoomameynaaya, su’aashiisii ay ku yare qalloocisay buu yiri ‘Waa hadal wanaagsan, waan ku afgartaye goormaan ballanaa aan arintaad sheegtay xiisey leedahaye, halkii kasii wadnaa? ma ka dhigannaa saddex maalmood kaddib, berrito waa salaase’e maalinta Jimcaha’?.

‘Waxba kama qabo, xagga galbeed ayaan ariga u soo daaq geynayaaye, sidaas ha inoo ahaato’. Goortey intaas tiri, baa waxa isa soo dultaagay Cali Dalmar oy Dalal wada socdeen, wuxuuna ku yiri, gabarta maxaad ku daldaleysaa?’ Wuxuuu ugu jawaabey, ‘faduuli baad tahay, maxaa kaa galay waxaan ku daldalaayo’. Goortii intaas leys yiri, ayuu Dalal Bilan intuu gacanta qabtay, xaggii guriga u dhaqaajey isagoo aad moodid inuu cali ka shaxeexaayo inuu la qabsado, in yar kaddibna rugteedii ayuu ku hubsaday.

 

SHEEKADA OO DHAN HALKAN  KA AKHRISO  GUJI

23 Comments leave one →
  1. sadaam permalink
    December 28, 2008 10:08 pm

    waa sheeko aad uxiiso badan fadlan iyda oo dhamaytiran malaheli karaa

  2. daljir permalink
    January 18, 2009 7:20 pm

    haa waan idin salaamaya dhamaantiin aqyaareey salaan ka dib aad baan anigu shaqssiyan u xiiseyaaa sheekadan DHIBANIHA AAN DHALAN hore ayana kol hore u aqristay laakiin iyada ayaan ba aheyen mid laga xiisa goynayo aad baanan ula socon doonaa hadu eebe ii idmo waanan idin kaga mahad celinayaa adinakan soo ban dhigida aad noo soo ban dhigteen sheekadan qiimaha leh waxaanan didin ka cod san laha in aad noo soo da dajisaan qeeybaha haray siiba naigu waxaan aad u xiiseeynayaa oonan haatan u baahnaaa qeeyb ta wax ka sheegeeysa quruxda dumar ka oon haatan si weeyn ugu baahanahay thn x dhamaantiin aqyaarey
    waan idiin xisi doonaaaa
    nooli kulaneeee

  3. daacad permalink
    January 18, 2009 11:22 pm

    Aad ayaad ugu mahadsan tahay Daljir faalodaada wanaag san insha alaah waan soo dhameystiri doonaa sheekda, qeyta 2aad ayaana imika soo galieyey intaan ka gaaray waqtiga oo igu yar awgeed MARBA QEYBTA CUSUB EEN SO GALIYANA WAA TA XARIIQA KA HOOSEESA ee hamoogaanina. Sheekaduna waa mid aad xiiso u leh oo aan laga dhergeynin. Waxayna aad u taabanaysaa sheekado gaar ahaan xaageeda danbe gumeystahay itoobiya iyo arxandaradiisa taasoo ilaa maanta ay ku hayaan umada Soomaaliyeed

  4. Anonymous permalink
    February 28, 2009 4:42 pm

    waa sheekada aan adooyada ugu jeclahay

  5. sucaad permalink
    April 6, 2009 3:33 pm

    asc walaal deljir waan ku salaamey walaal sheekada oo dhameysan xageen ka heli please ama inoo soo dhamee fadlan by bro

  6. barisamaad permalink*
    May 19, 2009 2:58 am

    Aad iyo aad ayaan uga xumahay sheekada inaan kala gooyo mashquul ayaan yara noqdey . Sheekadii oo dhan oo PDF file ah ayaa soo galiyey halkaa kala socda

    Sorry !!!

  7. mohamoud hussein mohamed permalink
    July 31, 2009 6:31 pm

    walaal waxaan kaa codsanayaa in aad sheekada dhibanaha aan dhalan aad adoo mahdsan ciwaankayga iigu soo dirto iyadoo dhan adoo mahadsan waxaana ahay dahlinyarada webkaaga la socota

  8. mohamoud hussein mohamed permalink
    August 1, 2009 9:21 am

    walaal WAAN KU SALAMAYAA SALAAN KA BACDI WALAAL ANIGA WAA UU II SOO SAAARI WAAYEY SHEEKADA EE IYADA OODHAN CIWAANKAYGA IIGU SOODIR MINFADLIK ISHA ALAAH DADBADANA WAAN KU SOO XIDHIYAAYE

  9. mohamoud hussein mohamed permalink
    August 1, 2009 1:02 pm

    waxana igu balana in aan ciwaankaaga pagewalba ku save gareeyo kuna xayeysiiyo cidii iweydiisatana aan idhaahdo webkaa kala socda

  10. mohamoud hussein mohamed permalink
    August 8, 2009 4:07 pm

    sxb wax war ah kaama hayo ee maxaa dhacay xitaa imaad soo qancin eh

  11. August 8, 2009 5:04 pm

    wan idin salmay dhamaan…………
    Aad ayaan uraadinaayay sheekada lamagacbaxday dhibanah aan dhalan muddo dheer waadna kumahadsantahii ,
    masha alaah ….

  12. August 8, 2009 5:19 pm

    wlaall wan kusaalmay mar labaad,
    walal waxan rabaa inaad sheekada dhibana aan dhalan Copy aad iiga soo dirto cinwaan kagygana iigu soo dir , copy right na waan kusiinayaa , adoo mahadsan,

  13. dhimbiil permalink
    August 9, 2009 7:31 am

    waad salaamantihin dhamaan akhyaarta sharafta leh
    salaan kadim aad iyo aad ayaan uga helay anigu shakhsi ahaan sheekadaan xiisaha leh 100%
    waxaan ugamahad celinyaa dhamaan dadkii isku hawlay soo ururinteeda iyo isku soo dubaridkeeda
    waad mahad santhiin

  14. barisamaad permalink*
    August 9, 2009 11:54 am

    Aad ayaad u mahad san tihiin dhamaan akhyaarata. walaal maxamoudow fileka sheekadan waa file capacitigiisu weyn yahay oo e-mail laguma dirikaro emailadu ilaa 10 mega byte ayey aqbalaan ugu badnaan filkana waa uu ka weyn yahay 14 mega byte. fileku halkan ayuu ku jiraa isagoo link ah xaga sare ee sheekada qoraalkeedu ka bilaabmo guji. Prof maraje waxaan ku odhan lahaa walaal Copyrightka QORAHA ayaa leh shakhsi ahaan anigu waa uun soo bandhigey. Dhinbiil adiga ayaa mudan sxb

  15. axmed maxamed diriye permalink
    September 12, 2009 8:25 pm

    inkasta onan wakhti aan ku akhriyo u helin sheekada hadana markaan arko meel somali lagu hadal hayo wan xiseeyaa,horumarka afsomaliga iyo badhaadhihisana ilaa malinkan dhashay waan ku dadaalayey waxan xata rajaynyaa in hadii somali kala tagto aynaan afka iyo jacaylka la kala tagin ee afka aan wada ilaashano af dhexdhexaadana yeelano aqoonta afkeena ku barano si aan ula tartano caalamka oynu u noqono umad is tamarisa iskeed walal hadaan hadal bilaabo somali ku saabsan ma joojin aqaan ee ilaahay haynoo gargaaro qolada website kan lehna aad baan u la dhacay waxan u rajaynayaa in ilaahay wanaagoda ku guuleeyo, ereyga somali waa erey macan lakin dadka leh ayaa dad xun ah anigu markaan eegay waayo xabashidu waa dad aad la yabayso markad aragto la dhaqanto hadana waxay ka midaysan yihin cadaawada somaliyed waa dad qawl leh hadalkaygan haduu somali wax u tari laha walaahi kama daayen lakin {dadkan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iimane} {anuun baa iska daalaye dhaguu uma daloolaane}, somali iskuma jirto ee kuwa dhibka wada ha joojiyeen kuwa la gumaystana ilaahay ha ka saaro kuwa degana ilaahay hawgu wado … wan ka baxay saxbyaal mahadsanidin

  16. hiiraan permalink
    September 19, 2009 2:08 pm

    salaan

  17. October 16, 2009 7:16 pm

    Walahi sheekadaaan waa shidantahay lkn waa sheeko reebaadiye marka baadiye lee hala geeyo mahadasanidin.

  18. February 12, 2010 9:09 am

    ruuxi u baahan sheekadaan oo ilaalinayo copy@right-ka shekada aniga ayaa sinayo ee ila soo xiriir.
    ninka sheekadaan isku qorayoow ilaah ka cabso adigu malihid ee waxaa iska leh qoraaga sheekada ee ku xus magaciisa.

  19. ustaad ahmed abdi hirsi permalink
    September 15, 2010 8:50 am

    aad baan ugu farax sanahay sheekada dhibanaha aan dhalan
    waa sheeko xaqiiq iyo dhadhan leh oo taariikh soomaaliyeed xambaarsan
    balse sxb sheekada oo dhan aan ubaahnahay pdf file ka waa ii furmi waayay sxb marka inaad soo wada galiso ama inaad soo dirto ayaan jeclaan lahaa.

  20. Ismail Nurdin permalink
    October 28, 2010 10:20 pm

    Cajab, walee sheekadan waxan dhihi karaa qof aqriyaa kama xiisa dhoco mudo badan wan raadiyey mar ban dhameyay aqrinta buugeeda lakin marwalba wey macaantahay runti fadlan isku day inad page,yo kuso qorto pdf wuu dhibadan yahaye adoo mahadsan.

  21. Salma permalink
    December 5, 2011 6:28 pm

    Asm walal qali ah waxan illaahay dartiis kaga codsanaya inad iguso dirtid cinwankeyga wayo wey isuuro gali waysay inan dhamaystirkeeda arko waxan fila inad iifulin doontid codsigayga mahadsanid walal mcn

  22. cabdiwahaab permalink
    December 27, 2011 3:48 pm

    Sheeko aad u fiican oo leh arkhis fiican laakiin waxaan jeclaan laha iyadoo dhamaystrian maadaama ay tahay sheeko dhab ah

  23. yasbur permalink
    May 1, 2012 10:41 pm

    fadlan adigoo mahadsan maxaad sheekadan idim la.aan ugusoo gudbinaysaa aaladan enternet-ka miyaadan qof xaqiisa iyo xuquuqda bani aadamka kala aqoon ahayn

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.