Taagta Walxaha
Xoog oo la hoos dhigay Bed, ama awooda xoog uu ku hayo qeyb dululaatiga ka mida waxaa loo yaqaanaa cadaadis. Waxaana cadaadiska lagu suntaa xaraf giriiga, kaasoo ah σ (sigma).
σ = F/A
Hadii cadaadisku togan yahay waxaa loo yaqaanaa cadaadis kala-jiidan, hadii uu taban yahayna waa cadaadis isku urur.
Tusaale:-
labo tuubo oo qaab dhululubo leh kalana ah AB iyo BC, ayaa la iskula alxamay barta B ee jaantuska hoose, kadibna la saaray xoogaga ka muuqda jaantuska. Soosaar laxaadka xooga P, hadii cadaadis kala-jiidanka tuubada AB uu la mid yahay labanlaabka laxaadka cadaadis isku-ururka tuubada BC.
No comments yet












